DEG DEG:- Rasaas Xooggan Oo Ka Socota Agagaarka Xarunta Nabad Sugidda Gobolka Banaadir

Warar aynu ka helayno agagaarka xarunta nabad Sugidda gobolka Benaadir ayaa sheegaya in rasaas xooggan laga maqlayo agagaarkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cali cabdi dhubad  oo lagu sheegay in uu yahay Gaashaanle Sare ayaa warbaahinta u sheegay in gurigiisa ay soo weerarreen ciidan iskugu jira kuwa booliska iyo nabad sugidda.

Weli lama oga sababta ka dambeysay rasaastan iswayddaarsiga ah ee kasocota agagaarka godka jilacoow iyo xarunta Nabad sugidda gobolka Benaadir.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa inshallah.