War Xasaasiya’ Guddoonka Golaha Shacabka oo Arintii Qalbi Dhagax Si kulul Ugu Hadlay Iyo Waqtiga loo qabtay?

Guddoonka Golaha shacabka ayaa waxaa uu manta Guddigii loo xilsaaray kiiskii C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax waxaa uu weydiiyay halka uu ku dambeeyay baaritaankii loo saaray.
Guddoomiyaha guddigaas oo maanta ka maqnaa madasha ayaa waxaa beddelkiisa hadlay Wasiirkii hore ee amniga gudaha C/Risaaq Cumar Maxaned oo Guddiga xubin ka ah.
C/Risaaq ayaa madasha ka sheegay in howsha guddiga ay wali socoto islamarkaana maalmaha soo socota ay Golaha shacabka hor keeni doonaan natiijada Guddigooda u soo baxday.
Intaas kaddib Guddoonka Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ilaa sabtiga dambe siiyay Guddiga,waxaana uu ugu baaqay in kama dambeys ay Sabtiga soo socda natiijada baaritaankooda la wadaagaan Golaha shacabka.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa C/Kariin Sheekh Muuse ku wareejisay Dowladda Itoobiya 27kii Bishii August ee sanadkan,waxaana taas ka dhashay buuq farabadan.
Golaha shacabka ayaa Bishii September magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya dhiibista Qalbi-dhagax,waxaana muddo loo siiyay ilaa 10ka October,hayeeshee Guddigaas ayaa codsaday in muddada loo mordhiyo waxaana loogu daray bil kale oo ku eg maanta oo ay Taariikhdu tahay 11ka November.
Guddiga loo xil saaray kiiska Qalbi-dhagax ayaa sabtiga soo socda laga sugayaa natiijada kama dambeysta ah ee baaritaanka arrinkaas.