Waa Kuma Siyaasiga Ay U Baahan Tahay Dowladda Soomaaliya In Ay Iska Sasabto? (Xog Muhiim Ah)

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda la ciir ciirreysa siyaasad xummo iyo saldhig la’aan, ha yeeshee xeel dheerayaasha ka faallooda arrimaha SOomaaliya ayaa si mugleh uga hadlay dhammaan arrimaha quseeya dowladda.

Dadka qaar ayaa kula taliyay dowladda in laga dhigo mid bahwadaad ay ku yihiin mucaarad iyo muxaafad, si uu u yaraado cadaadiska dowladda ee heysta.

Siyaasiyiinta ugu badan ee dowladda mucaaradsan waxaa kamid ah Ex Wasiir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo sida hadda ay sheegayaan warar hoose uu yahay mid kamid dulaallada dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya.

Dhibaatada ugu badan ee ay dareemeyso dowladda kagama imaato dhanka Mahad Salaad oo ah hoggaamiya aan is magacaabin ee mucaaradka, balse waxaa la aaminsan yahay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu yahay halista ugu badan ee dowladda iyo ka dhex shaqeyn kara shacabka, marka la fiiriyo sida uu u yahay qof dhanka fasaaxada (Gudbinta) ku wanaagsan.

 Sidoo kale waxaa uu dhowaannahan waday qorshayaal uu kusoo jiidanayo dhallinyaro badan oo aqoon yahanno ah, waxaana ugu dambeysay xalayto oo uu shir ama dood cilmiyeed kusaabsan dhallinyarada iyo siyaasadda uu ku qabtay Hotelka caanka ah ee Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee dadka qaar ayaa ku taliyay kal hore in Cabdiraxmaan Cabdishakuur la siiyo jagada wasiirnimo ee beeshiisa Habar Gidir, maadaama khibrad ahaan iyo reer ahaan uu isaga ka sareeyo Yuusuf Garaad oo xilkaas lagula kordhacay.

Waxyaabaha ay u sababeynayaan arrintoodan tan waxa ay tahay in Cabdiraxmaan uusan ahayn qof ku jira xisbi gooni ah oo uu baddali karo ujeedkiisa mucaaradka ah haddii uu helo qof la fadhiista.

Haa. kuma jiro xisbi ee isaga ayaa iska leh xisbiga Wadajir ee uu doorashada kusoo galay, ha yeeshee Cabdishakuur wuxuu awoodaa in uu aragtidiisa baddalo, haddii aysan jirin dano shisheeye oo dibadda kasoo riixaya.