“Dowladda Lugaha Yaan Looga Dhagin, Si Aan Wax U Qabsanno!” FARMAAJO

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay ka jeediyay khudbad cajiib ahayd xarunta Booliska ee Generaal Kaahiye magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha ayaa salaan ku bilaabay madaxda, ciidanka, weriyayaasha, fanaanniinta, iyo cid walba oo kasoo qayb gashay madashaas.

Waxaa xigtay in madaxwaynaha uu ka hadlo xaaladda dagaal ee uu dalka galay, isagoo sheegay in hadda ay tahay xilligii loo midoobi lahaa cadowga dibadda (Shabaab) kuwaas oo uu sheegay in ay liddi ku yihiin jirritaanka Soomaalinimo.

Ka dib hadalka waxa uu u leexiyay in uu maago siyaasiyiinta mucaaradka ah, isagoo ku tilmaamaya in ay yihiin kuwa mar walba usoo heegan ah mucaaradidda dowlad kasta oo dalka ka hanaqaaddo.

Farmaajo ayaa ka socday in Mucaaradka ay ka digtoonaadaan in ay farqaha ku dhagaan dowladda, isagoo ka codsaday in dowladdan gummadaha loo daayo si ay wax u qabato.

Si kastaba ha ahaatee madaxwayne Farmaajo ayaa hadda Kursiga dalka laga maammulo fadhiya tan iyo bishii February ee sannadkan, balse tan iyo xilligaas dowladda ayaa yeelatay mucaarad kala duwan, taas oo Keentay wax qabad yarida dowladda.