Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Khudbaddii Calool Jileeca U Badneyd Ee Madaxwayne Farmaajo!

Ka dib hadalkii Farmaajo uu habeenkii xalay ka jeediyay xarunta Booliska Soomaaliyeed ee Generaal Kaahiye, Shabakadda Shaaciye ayaa dib u milicsaneysa qaar kamid ah waxyaabaha aan ka baranney khudbaddaas.

Waxyaabaha ugu waa wayn ee uu Farmaajo khudbaddaas kaga hadlay ama aan ka baranney waxaa kamid ah;-

  1. In Farmaajo Yahay qof Calool Xaarran oo Miskiin Ah Mas’uuliyadda saaranna ay ka wayn tahay, waxa aad is wayddiineysaa sababta aan usoo qaadanney qodobkan, marka aad si hufan u eegto khudbaddaas madaxwayne Farmaajo waxa uu muujiyay in dalkan laga daba shaqeynayo oo uu taag u la’yahay, islamarkaana uusan xammili karin xil iyo eed joogta ah oo kaga imaata shakhsiyaadka dowladda kasoo horjeeda.

  2. In Uu Weerarray Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Fiqqi, sida aad ka dhadhammin karto khudbadda Farmaajo wuxuu aad ugu nuux nuuxsaday in ay jiraan shakhsiyaad mar walba mucaarad ku ah dowladda xitaa tii Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu tilmaamay in qaarkood ay isaga u imaadeen markii Xasan la doortay islamarkaana ay ogeysiiyeen in ay doonayaan mucaaradidda dowladda cusub, haddii aan hadalkan hoos usii furfurno waxaa inoo soo baxaya in keliya dadka ugu caasan mucaaradka hadda ay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Amb:Fiqqi ay yihiin kuwa dowladdii horeyna kasoo horjeeday, maadaama Mahad Salaad oo hadda ah kaabbaha mucaaradka uu ahaa Dammul Jadiid jidbeysan oo dowladda muxaafid u ahaa.

  3. In Dowladda Ay Sidan Kusii Socon Karin:- waxaa laga dareemi karay hadalka madaxwaynaha quus bafta ah oo meel dheer ah oo uu ka muujinayo dowladdan mucaaradnimada lagu qaabbilay, isagoona tilmaamay in wakhtigan loo baahan yahay in meel looga soo wada jeedsto dhammaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda, iyadoo la hor marinayo kooxda Shabaab, kaddib kuwa gudaha loo soo noqonayo; iyada laftigeeda waa nooc keligii talisnimo ah, ha yeeshee waxa ugu wayn ee dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya aaminsan yihiin waxa ay tahay in uu qarka u saaran yahay Farmaajo in uu muujiyo quus 100% ah, marka la eego dhanka ammaanka.

  4. In Farmaajo Uu Weli U Baahan Yahay In Uu Yeesho Khudbad Qore Aad U Wanaagsan!; Haa. waa uu u baahan yahay qof u qora khudbadaha, maadaama madaxwaynaha mar walba hadalkiisa uu isku eg yahay, islamarkaana uusan turxaan baxsaneyn, loona baahan yahay in helo qof dhankaas ku wanaagsan oo madaxwaynaha ka dhisa, mar haddii hadalladiisa ay is xirayaan.