DEG DEG:- Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Miinno nooca dhulka lagu aaso ayaa ka qaraxyada waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ay wararku intaas ku darayaan in qaraxa uu khasaaro lahaa.

Kasoo horjeedka warshadda biyaha Caafi ayaa lagu soo waramayaa in uu qaraxaas ka dhacay.

Dadka goobjoogayaasha ayaa u sheegay warbaahunta in lala damacsanaa gaari nooca ay Soomaalida u taqaanno Cabdi Bilaha oo marayay waddadaas.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in laba qofood oo saarnaa gaari nooca raaxada ah oo marayay goobta qarax in ay ku wacyeeloobeen dhacdadaas.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socod siin doonaa haddii uh rabbi idmo.