Daacish oo la sheegay in ay ku sii badanayaan Soomaaliya

Khubaro dhinaca Amniga oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saareyn waxa ay kaga hadleyn Kooxda Daacish ee ku sugan Deegaanada Puntland Soomaaliya.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Dagaalamayaasha kooxda Daacish ee Soomaaliya ay ku sii fidiyaan deegaannada Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo hada maamulaan Puntland.
Wakaladda Wararka ee Reuters oo daabacday Warbixintaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay tirada Daacish ee sanadkii hore in ay ahaayeen tiro Toboneeyo ah, hadana ay marayaan 200 oo dagaalame.
Sidoo kale Khubaradaan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Warbiixntooda waxaa lagaga digay tirada kororka ee Daacish in ay fududeyn karto in xubnaha Daacish ee ka soo baxsanaya dalalka Iraaq iyo Syria in ay ku soo dhuumaaleystaan Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Geesta kale Kolonel C/raxmaan Saciid oo ka tirsan Puntland ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in tirada Daacish-ta joogta Puntland sii kordheen, kuwaasi oo badankooda ka yimid Koonfurta Soomaaliya iyo dagaalyahano shisheeye.