Sawirro: Khubaro Arimaha Hubinta Dukumentiyada u Qaabilsan Norwey oo Muqdisho Soo Gaaray

Khubaro arimaha hubinta dukumentiyada u qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay u arkaan habka qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.
Imaanshaha wafdiga khubarada ah ayaa ka dambeysay ka dib safaro uu agaasimaha guud ee HSJ ku tagay dalalka reer yurub oo uu kala hadlay in ay aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan Basaboorka Soomaaliya. Ujeedada ayaa ah in shakiga iyo kalsooni darada laga saaro dalalka hore u joojiyey in dalalkooda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga ah.
Wafdiga Khubarada ah oo ay wehlinayeen masuulyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee booliiska ( C I D ) si ay u arkaan habka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu qaato Basaboorka Soomaaliga, waxayna xarunta C I D kula kulmeen  taliyaha laanta Danbi baarista booliiska Jenaral Saciid Cali Kadiye.
Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta Dad dhigista ee Gobolka Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada Dhalashada iyo Sugnaanta.
Ugu dambeyn khubarada ayaa soo gaaray xarunta dhexe ee bixinta Baasaboorka Muqdisho waxayna mid mid u tageen xafiisyada Hay’adda si ay u arkaan habka bixinta Baasaboorka.
Agaasimaha guud ee HSJ Col. Koofi ayaa casho sharaf u sameeyay wafdiga khubarada marka ay soo dhameysteen howlihii ay Soomaliya u yimaadeen, waxaana wafdiga ay agaasimaha guud u sheegeen in hormar weyn uu ka muuqdo dhamaan xafiisyada loo maro qaadashada Baaaboorka isla markaana ay Soomaliya ugu horeyso wadamo badan oo afrika ah oo ay horay u tageen.
23423385 803137863191730 11265898 O 1024x683
23423385 803137863191730 11265898 O 1024×683
23423433 803137879858395 1805756244 O 1024x683
23423433 803137879858395 1805756244 O 1024×683
23423576 803138086525041 2027081547 O 1024x683
23423576 803138086525041 2027081547 O 1024×683
23423666 803138229858360 367407550 O 1024x683
23423666 803138229858360 367407550 O 1024×683
23423753 803138269858356 1187033887 O 1024x683
23423753 803138269858356 1187033887 O 1024×683
23423842 803138273191689 2015710612 O 1024x683
23423842 803138273191689 2015710612 O 1024×683
23432803 803137903191726 367263569 O 1024x683
23432803 803137903191726 367263569 O 1024×683

Fffffffff 1024x683
Fffffffff 1024×683