Maleeshiyo ka soo kala Jeedo Degmooyinka Cadaado iyo Caabaduwaaq oo Ilaa Shan qof kala Afduubtay

Wararka naga soo gaarayo degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa soo sheegayo in ay deegaanadaasi ka taagan tahay Xiisad u dhaxeyso Labo Maleeshiyo beeleed oo maalmihii la soo dhaafay Afduub ka geysanayay Galmudug.
Wararka ayaa sheegayo in Maleeshiyada ay xiisadda u dhaxeyso ay kala qabsadeyn Ilaa Shan qof iyo Labo Gaadid ah waxaana sidoo kale jira dad ay dhaawacyo ka soo gaareyn Isku dhacyo dhaxmaray Labada Dhinac.
Labada dhinac waxa , aay ku kaceyn Afduubyo loo geystay Ilaa Shan qof oo shacab ah walina ay taagan tahay Xiisad u dhaxeysa Maleeshiyada ka soo kala jeeda Cadaado iyo Caabudwaaq ee Bartamaha Soomaaliya.
Maamulka Galmudug ayaa Ilaa hadda xal u helin Xiisadda ka taagan deegaanka waxaana la sheegayaa in ay hada socdaan ay Abaabul ay wadaan Odayaasha ka soo kala jeeda Labada dhinac ee Xiisadda u dhaxeyso.