Gaas oo ka hadlay Gabar Tacadi loogu geystay Boosaaso

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminyo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ka gadaal muddo laba Todobaad ah oo uu Muqdisho uga qayb galay shirkii wada tashi ee DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar Camey, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garowe ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin shirkii uu uga qeyb galay Muqdisho, khilaafkii Dekeda Boosaaso, Gabar tacadi loogu geystay Boosaaso iyo arrimo kale.
Gaas ayaa faah faahiyay tacadigii 27-kii October loogu geystay magaalada Boosaaso gabar da’yar, taas oo Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland si deg dega ula tacaashey xaaladdeeda caafimad, iyadoona wakhti xaadirkan lagula tacaalayo cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shakhsigii ka dambeeyey falkaasi sharciga la horgeyn doono sida ugu dhakhsiyaha badan, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu maamulka Jubbaland uga mahadnaqay qabashada dambiilihii gaystey falkaasi.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay mashruuca dhismaha dekedda magaalada Boosaaso ayaa sheegay in mashruucaasi horumar iyo wanaag u yahay shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, waxaana uu fariin adag u diray shakhsiyaadka carqaladaynaya habsami u socodka dhismaha dekedda magaalada Boosaaso.