Turkiga iyo Mareykanka oo dib u billaabaya saaridda fiisaha

Safaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ee Washington iyo Ankara ayaa sheegay in ay dib u billaabayaan soo saaridda dal ku galka labada dal kaddib markii la hakiyay bishii la soo dhaafay.
Safaaradda Mareykanka ee Ankara ayaa sheegtay kaddib markii uu isbeddelay amniga Turkiga in ay dib u billaabeyso soo saaridda fiisaha dalka Turkiga ee lagu tagayo Mareykanka,waxaana ay xustay in meelo gaar ah laga bixin doono.
Sidoo kale Safaaradda Turkiga oo iyana ka jawaabeysa ayaa sheegtay in iyana ay dib u billaabeyso soo saaridd fiisaha Mareykanka ee Turkiga lagu tago.
Arrintan waxaa ay timid iyada oo maanta Ra’isalwasaaraha Dalka Turkiga Bil Ali Yildrim uu booqanayo dalka Mareykanka,isaga oo halkaas kula kulmi doona Madaxda Mareykanka.
Booqashada Bin Cali ayaa la sheegay in ay la xiriirto arrimaha fiisada iyo Wadaadka Fatxullahi Gulem ee Dowladda Turkiga ku tuhmeyso Afgambigii dhcisoobay ee Sanadkii hore ka dhacay Mareykanka.
Labada dal ayaa joojiyay soo saaridda fiisaha labada dhinac kaddib markii Dowladda Turkiga xirtay shaqaale ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Ankara oo Turki ah kaas oo lagu tuhmay in uu xiriir la leeyahay Wadaadka Fatxullah,waxaana kaddib safaaradda Turkiga ee Washington ayaa iyana go’aan kaas la mid ah qaadatay.