Sawirro: Farmaajo oo Shir Deg Deg La Leh Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku sugan xarunta wasaaradda Gaashaadhigga ee magaalada Muqdisho oo shir degdeg uu kula leeyahay taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka.
Madaxweynaha Soomaliya oo ay wehliyaan saraakiil iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaliya ayaa la sheegay in kulanka uu saraakiisha la leeyahay uu ku saabsan yahay howlgallada dagaal ee ka socda Gobollada Shabeellooyinka.
Madaxweyne Farmaajo waxaa xarunta gaashaandhigga ku soo dhoweeyay taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo saraakiisha sare ee ciidamada xoogga, waxaana kulanka labada dhinac lagu wadaa in lagu gaaro go’aanno ku saabsan dagaalka ka dhanka ah alshabaab.
Dowladda Soomaliya ayaa wada qorshe duulaan ay ugu tahay dagaalyahanada Xarakada al-shaabab, iyadoo haatan ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaliya ay dhaq-dhaqaayo ciidan ay ka wadaan deeganada Gobolka Shabeelaha Hoose.
23167996 1517667898317683 8943407448611998634 N
23167996 1517667898317683 8943407448611998634 N
23172505 1517667888317684 7463185537971051721 N
23172505 1517667888317684 7463185537971051721 N
23172927 1517667901651016 2743001563273410284 N
23172927 1517667901651016 2743001563273410284 N

23244301 1517667904984349 4894557174893383724 N
23244301 1517667904984349 4894557174893383724 N