Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelan doona Maxaa loogu hadlaaya Ogoow?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta Kulan ku yeelan doona Xarunta ay ku shiraan Ee Golaha Shacabka,waxaana la sheegay in Akhrinta Labaad ay marsiin doonaan Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu Wargeliyay in Maanta ay kulan isugu yimaadaan si Akhrinta Labaad loo marsiiyo  Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha oo hadda Xildhibaanada Golaha Shacabka horyaalla.
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa Maanta lagu wadaa inuu Shir Guddoomiyo Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad Ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey.