Gaas oo ka hadlay Duqeynta lala beegsaday Daacish-ta Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa faah faahiyay weerarkii Duqeynta loo adeegsaday ee Ciidamada Mareykanka ay ku qaadeen Jimcihii ina dhaaftay Buuraleyda Gobolka Bari, halkaasi oo lagu bartilmaameed-saday koox ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya.
Gaas ayaa sheegay Hay’adaha ammaanka maamulka Puntland in ay xaqiijiyeen weerarkan in lala beegsaday Hoggaamiyaha kooxda Daacish C/qaadir Sheekh Cali Muumin, balse uu ka badbaaday.
Wuxuu sheegay Madaxweyne Gaas ka Puntland ahaan in ay soo dhaweynayaan beegsiga lagu hayo kooxda Daacish, isaga oo sidoo kale tilmaamay Daacish in ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in laga guuleysan karo kooxda Daacish iyo ururka Al-shabaab, hadii shacabka Soomaaliyeed ay hal arragti ka noqdaan dagaalka lagula jiro dhinacyadan, taageerana u fidiyaan Ciidamada xoogga dalka.
Kooxda Daacish ayaa waxa ay sheegatay dhowr weerar oo ka dhacay magaalada Boosaaso oo Puntland ay ka taliso, waxaana Duqeyntan ay u muuqataa mid jawaab u ah weeraradaasi.
Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu amray in la kordhiyo weerarada Duqeynta ah ee Ciidamada Mareykanka ay ka geysanayaan Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta ayaa waxaa muuqata in Ciidamada Mareykanka ay beegsanayaan saldhigyada Shabaab iyo Daacish ay ku leeyihiin meelo ka mid ah Soomaaliya.