Ayaan Darro iyo Abaal ka dhac haysata min Muqdisho illaa Mareeg!?

Ayaan Darro iyo Abaal ka dhac haysata min Muqdisho illaa Mareeg!?

Deegaanka ballaaran ee qariiradda kaaga muuqdo waxaa ku yaalla Magaalooyin fac ahaan la eg magaalada Xamar, ilbaxnimadoodana boqolaal sano soo jirtay. Waxeey lahaayeen iskuulaad Hoose/Dhexe iyo Sare.

Waxaa ku oolli jiray xarumo lagu barto cilmiga diiniga ah oo u dhigmay jaamacadaha xilligaas jiray.

Sidoo kale waxeey lahaayeen isbitaallo iyo wax walboo magaalo ay lahaan jirtay. Maanta waxba kama harin wixii ay haysteen 100 sano horteed.

Waxaa kasoo jeeda deegaanadaan aad arkeysiin dad magac iyo maamuusba ku yeeshay soomaalida dhaxdeeda iyo caalamka kalaba, haddeey ahaan lahaayeen culimo, siyaasiyiin, aqoon yahan, ganacsato iyo duubab dhaqan.

Deegaankaan nasiibka daran waxaa kasoo jeedo 3 madaxweyne iyo 2 ra’iisul wasaare ( Cali Mahdi, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, iyo Cali Geedi iyo Nuur Cadde). Intoodaba waxeey ku dhasheen/ ka dhasheen oo waxna kusoo barteen degmooyin ka tirsan gobalada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Si la mid ah waxaa iyagana ku dhashay kala bar murashixiintii madaxweyne ee doorashadii 8 FEBRAAYO, marki laga reebo Maxamad Cali Ameeriko oo Muqdisho ku dhashay isaga. Waxaa jira aqoon yahanno iyo ganacsato caan ah oo ka yimid degmooyinkaan, mana dhicin in midkoodna maalin uu ku fekeray inuu dib usoo eego halkii uu ka dhisnaay aqalkii hooyadiis iyo aabihiis.

Waxeey is moodsiinayaan dhamaantood in uu ILAAHEEY imtixaan uga dhigaayo maalka, magaca iyo mansabka uu milkisiiyay.

Dc4c805c Cb3b 4ab0 868d 63b0bc893b32
Dc4c805c Cb3b 4ab0 868d 63b0bc893b32

la is weydiin doonaa maalinta qiyaamaha ninba intii lasiiyay iyo siduu u maareeyay. ILAAHEEY kama aqbali doono in ay caruurtooda dhaxal aan cadad laheyn uga soo tageen, halka dadki iyo degaanadi ALLAAH ku abuuray gaajo cagabarar gaartay iyo cudurro la daaweyn karo loogu dhimanaayay.

Soomaali waxeey tiraahdaa ninka aad kabo ka toloneyso, kabahiisaa la dayaa. Niman reerkoodu u dhaamin waayay in ey adiga kuu dhaanshaan waa habeenki xalay ahaayoo tagay. Haddiise ay gartaan maanta in ey iska dhaqaan ceebta ku taalo, oo ay murashixiinti dhawaay iyo madaxdii ka horreeysayba min hal Ceel inoo qodaan ama iskoollo inoo dhisaan ama ay isbitaallo dayac tiraan anakana waa u duceyn laheyn, soomaalina waxeey tareen waa arki lahaayeen.

Omar Abdullahi Omar