Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidanka Booliska Oo Lagu Dilay Muqdisho

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa 2 xidigle ka tirsanaa ciidanka Booliska, waxaana Gurigiisa ku toogtay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado.
Maxamed Faarax oo ka mid ah Ehelladda Marxuumka oo la hadlay Warbaahinta  ayaa ka warbixiyay sida uu dhacay dilkaasi,
Waxaana uu sheegay in 2 dhalinyaro ahaa ay toogteen Marxuumka, xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta gaareen, dilka kadib, kuwaas baritaano ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada ee Magaalada Muqdisho.
Mana jirto illaa hadda wax war ah oo ay saraakiisha ammaanka ay ka soo saareen dilka sarkaalkaasi.
Waxaana uu dilkan ku soo aadayaa, xilli muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amaanka, sida dilal qotsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.