Wasiirka Qorsheynta oo maanta hortagay Golaha shacabka Somalia?

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta hortagay Golaha shacabka Soomaaliya.
Kulanka Golaha shacabka ee maanta oo saaka furmay ayaa waxaa xaadirtay 159 Kalfadhiga 2aad kulankiisa 26aad ayuuna yahay kulanka maanta iyada oo Ajendaha kulanka maanta uu yahay Hindise sharciyeedka Tirakoobka Qaranka ee ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya.
Wasiir Jamaal ayaa Golaha shacabka ka hor aqriyay Hindese sharciyeedka Wasaaradda soo diyaarisay ee tirakoobka Qaranka,waxaana Xildhibaannada ay marin doonaana qrinta 1aad,2aad iyo 3aad iyaga oo kaddibna meel marin doona.
Golaha shacabka ayaa kulamadoodii ugu dambeeyay waxaa  hortagay hadba wasiirka Wasaaraddiisu u gudbisay Hindise sharciyeedka Golaha shacabka.
Waxaana Wasiir Jamaal oo Golaha shacabka ka hor aqrinayay Hindise sharciyeedkan sheegay in uu muhiim u yahay Dalka loona baahanyahay in Golaha shacabka ay muhiimad gaar ah siiyaan islamarkaana meel mariyaan.