Waa Kuma Wasiirka Maanta Hortagi Doono Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya?

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga dowladda Soomaaliya Ex Denjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta la filayaa in uu hortago guddoonka Baarlamaanka SOomaaliya.

Wasiirka ayaa wax laga wayddiin doonaa howlaha wasaarraddiisa u hirgalay iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee u dhimman.

Waxaa la siin doonaa wakhti uu ku warbixiyo howlaha wasaaraddiisa, halka sidoo kale la wayddiin doono su’aalo la xiriirta isla iyada.

Si kastaba ha ahaatee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waday dhawaannahan, qorsheyaal ay ku su’aalo wayddiinayaan qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyrre.