Maxaa Looga Kala Cararray Isgooyska Xamar Jajab Ee Magaalada Muqdisho?

Warar aynu heleyno waxa ay sheegayaan in saakay aroortii lagu kala cararay isgooyska degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Ganacsatada yar yar iyo dadka deegaanka ayaa hal mar ka cararay goobta, kaddib markii ay indhahooda saareen gaari nooca ay Soomaalida u taqaanno Hoomeyga ama Caasiga, kaas oo la sheegay in lasoo dhigay meel u dhow isgooyska Xamar Jajab.

Gaariga ayaa ahaa mid duug ah, waxaana uu goobta yaallay inkabadan Lix saacadood sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Kala carar kaddib ciidanka dowladda ayaa durba goobta soo gaarey waxaana ay bilaabeen in ay hakiyaan isku socodka gaadiidka iyo dadwaynaha.

Waxaa xigay in ay adeegsadaan Eeyaha baaritaannada ka qayb gala, kuwaas oo ku hareereysanaa gaariga laga shakiyay.

Dadka deegaanka ayaa marka horeba wargeliyay saldhigga ugu dhow, waxa ay sheegeen in ay ka shakiyeen gaarigaas, oo ay u maleeyaan  in uu saaran yahay walxaha qarxa.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dhacdooyinka sidan oo kale ah, waxaana la arkaa mararka qaar in ay dadka kala cararaan marka ay arkaan gaari xamuul ah ama gaari si kale ay kaga shakiyaan.