Ciidanka Df oo isku fidiyay Deegano ka Tirsan Degmada Balcad Iyo Canshuur kordhin laga soo sheegayo?

Wararka naga soo gaarayo degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegayo in maanta Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan Deegaano hoostaga Degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe.
Mas’uuliyiinta Degmada ayaa sheegay in Howlgalka uu ka socdo deegaanka Daniga iyo Deegaano kale  oo maalmihii la soo dhaafay Al-shabaab Qaraxyo ku Aaseyn sidoo kalane la sheegay in nawaaxiga deegaankaas ay fariisin ka sameestayn.
Waxaana la Soo Sheegayaaa in Ciidamadan Ay Dhawaan Weerar ay ku qaadi doonaan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Deegaanada hoostaga Degmada Balcad.
Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegayaan inay arkayaan Ciidamo ka tirsan Ciidanka militiriga Soomaaliya oo howgalo baaritaano ah Sameynaya.
Deegaanka Daniga oo qiyaastii 11KM ujira Balcad ayaa Bishii la soo dhaafay Gudaheed waxaa ka dhacay Labo qarax Miino ah oo mid ka mid ah ay ku dhinteyn ragii aasayay halka midka kalane ay ku dhintayn 6 qof oo shacab ahaa.
Dhanka kale  dadka deeganka ayaa sheegay in Maamulka Cusub ee Degmada Balcad, ayaa bilaabay kordhinta Canshuurta iyaga oo mashquul ku ah sidii aay dhaqaalo ugu sameeysan lahaayeen Degmada.