Qarax Qasaaro geestay ‘ oo xalay Muqdisho ka dhacay iyo Faah Faahin laga helaayo?

Illaa 3 qof ayaa ku dhaawacmay Qarax Miino oo lagu  xiray Gaari Nuuca Raaxada ah  oo yiilay inta u dhexeysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan.
Dhammaan dadka ku dhaawacmay Qaraxaasi ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen shacab marayay wadada wax ka dhaceen.
Waxaana la tilmaamay in shaqsigii watay gaarigaasi qarxay aanu saarneen xilliga qaraxa lala beegsanayay Gaarigiisa.
Warar ayaa sheegaya in Bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed oo lahaa gaariga lala beegsaday qaraxaasi.
Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda qaraxaasi balse Al Shabaab ayaa horay dusha u ritay qaraxyo ay kula beegsadeen Magaalada Muqdisho Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed.