Goodax Barre “Waxaa Jira Xidhibaano Doonaya In Ay Wiiqaan Awooda Xukuumadda”?

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in ciidamada dowladda ay isaga soo baxeen furimaha dagaalka.
Waxaana uu tilmaamay in ciidamada dowladda federaalka ay ku shaqeeyaan dhibaatooyin adag, loona baahanyahay in lagu dhiira geliyo Difaaca Dalka.
Sidoo kale Xildhibaan C/laah Goodax Barre aya hoosta ka xariiqay in xubno ka tirsan Baarlamaanka ay doonayaan in ay wiiqaan awooda Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaan uu ugu baaqay Xildhibaanadu in aysan niyad jabin ciidanka Xoogga iyo madaxda Qaranka oo uu xusay in ay dadaalo ugu jiraan, sidii dalka looga saari lahaa Al Shabaab.
Hadalkan ayaa Xildhibaan Goodax Barre waxa uu ka jeediyay kulankii shalay ee Golaha Shacabka, kaas oo uu shir guddoomiyay Cabdiweli Sheekh Ibraahim Mudey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.
Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in goodax  Barre loo balan qaaday’ wasiir taasna aay keentay’ in u taageero xoogan u muujiyo Xukumadda maadama u balan qaad heesto.