Waa Maxay Sababta Xoosh Jabriil Loogu Baahday Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo DFS? (Sir Culus)

Waxaa la dhaafay wakhtigii loogu talagalay in lasoo gaba gabeeyo shirkii madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda uga socday Muqdisho, ma jirto weli wax cad oo la isku waafaqay ilaa hadda oo aan ka ahayn in la si wada jir ah la iskaga kaashado amniga iyo xaslinta dalka, sidoo kale la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

Balse Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka dalbaday dowladda in ay shirka kasoo qayb galiyaan wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah ragga khubarrada ku ah xeerka Soomaalida.

Waxyaabaha la isku afgaran waayay waxaa kamid ah arrinta khilaafka keentay ee doorka maamul goboleedyada ay ku leeyihiin siyaasadda dibadda, waxaana ay tahay arrinta keliya ee la isla meel dhigi la’yahay oo wakhtiga dheereynaysa.

Xoosh Jabriil ayaa fursad laga codsaday in uu kala saaro labada dhinac inkastoo weli aysan jirin xal rasmi ah oo laga gaaray arrinta haddana mid kasta oo kamid ah wuxuu soo xiganayaa dastuurka qaranka u yaalla gaar ahaan qodobbada 53-illaa 56-aa, kuwaas oo kala qeexaya xasaannadda maamul goboleedyada iyo midda qaranka.

Haddii ay arrintu sidan kusii socoto shirka wuxuu noqon doonaa ma dhalleysi iyo mid aan miro dhalin maadaama ujeedka halkan loo yimid ay ahayd xal u helidda khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.