KASHIFAAD:- Maxaa Ka Jiro In Xarunta C.I.D-da Korontada Laga Jartay Oo Howlaheedu Qabyo Yihiin?

Xarunta Dambi baarista Booliska Puntland ee (CID) Garowe ayaan shaqayn mudo dhowr maalmood ah ka dib markii Shirkada Koranta NECSOM ay korakorantada ka goosatay waxaana meesha ka baxay shaqadii shacabka loo qaban jiray haba u badnaadeen dadka basaboorada qaadanaya oo xarunta ka qaata waraaqaha dambi la’aanta oo ay muhiim u ah in basaboorka ay codsadaan


Shirkada NECSOM oo ah shirkada kaliya ah ee Garowe koronto ka bixisa ayaa mudadii ay jirtay Dowladu siinaysay shidaal kabis ah walow ay hataan korantada ka dhaliyaan Qoraxda iyo dabaysha hadana isbadal badan kuma aysan samayn qiimaha wali qaali ah .

Wararka ayaa intaas ku daraya in hadda wada hadallo ay u socdaan, haddii la isku gartana dib losoo celin doono calaaqaadkii labada dhinac.