Bishii Lasoo Dhaafay Ee October Oo Noqotay Bishii Ugu Dhiig Daadinta Badnaa Abid (AKHRISO)

Bishii lasoo dhaafay ee October ummadda Soomaaliyeed waxa ay u ahayd bishii ugu dhimashada badneyd, ee abid, kaddib dhacdooyinkii Zoobbe iyo Naasa Hablood II.

Inkabadan 600-qofood ayaa ku baxay gacanta Kooxda Shabaab oo kamid ah kooxaha argigixisada ah ee caalamka islaamka ka jira.

Sabti 14-kii October sannadkan ayeey ahayd markii gaari miineysan uu isku qarxiyay isgooyska Zoobbe ee magaalada Muqdisho ku dhawaad 500-qofood ayaa halkaas ku dhintay, halka dhacdadii xigtay ay ahayd  sabtidii aynu soo dhaafnay weerarkii ay shabaab sheegteen ee ka dhacay Hoteelka Naasa Hablood II ee magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboow waxaa jiray weerarro kale oo gudaha magaalada ka dhacay haba u badnaadaan kuwa dilalka gaadmada ah ee xilliga habeenkii ah ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Waa bishii ugu dhiig daadinta badneyd bilaha kaltirsiga 2017-ka, oo hadda gaba gaba mareysa.