Xildhibaano Kasoo Horjeystay Wada-hadalka Madaxda Galmudug ee Muqdisho

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug  ayaa ka soo horjeestay wada-hadalada mdaxda Galmudug uga bilaabanaya magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo kamid ah baarlamaanka maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in wada-hadalada la sheegay in dowladda dhexe ay garwadeenka ka tahay ee magaaladda muqdisho ugu bilaabanaya madaxda maaamulkaas ay yihiin kuwa Sharcidaro ah.
Waxa uu sheegay in Galmudug ay leedahay dastuur islamarkaana qaaabilka daga deeganada Galmudug ay iyaga go’aan ka gaari karaan wixii Qaladaad ah ee jira, madaama Galmudug  lagu soo dhisay qaab beel ahaan.
“Arinta wada-hadalka ee madaxda Galmudug waa arin ay si bareer ah ay u sameysay dowladda dhexe ee Soomaliya, laakin ka galmudug ahaan waxaan leenahay baarlamaan, iyo xukuumadd,15-ka bishaan waxaan dooran doonaa madaxweynaha cusub ee dowladd goboleedka Galmudug, sharciga ayaa lagu kala baxayaa, hadii ay taasi dhici weyso waxaa dib loogu laaban doonaa qaabi’ilka oo galmudug ay ku dhisan tahay”, ayuu yiri xildhibaan duraan cali jaamac.
Magaaladda muqdisho waxaa haatan ku sugan madaxda galmudug waxayna kulamo la qaateen madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo,waxaana lagu wadaa maalmaha soo socda in xal laga gaaro khilaafka madaxda sare ee maamulkaas.