Xafiiska Madaxwaynaha Vs Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha; Gorfeyn Cajiib Ah Oo Ku Qotonta Labada Xafiis Ee Dalka Ugu Sarreysa!

Xafiiska madaxwaynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha waa labada xafiis ee ugu sareeeya dalka, sidoo kale waa xafiisyo aad inta badan loo ilaalliyo dadka ka shaqeeya akhlaaqdooda iyo aqoontoodaba.

Farmaajo iyo Kheyrre ayaa hadda labadaas xafiis ka taliya, halka Cumar Cabdirashiid iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ahaayeen kuwii booskaas kaga horreeyay, ha yeeshee dad badan ayaa aaminsan in hadda isbaddal xooggan uu ka jiro islamarkaana xafiisyadaas aysan ahayn sidii hore.

Xafiiska madaxwaynaha, waxaa jooga dhallinyaro firfircoon oo aqoontooda marka laga soo tago ay u dheer tahay dabci wanaag iyo howlkarnimo, taas oo dad badan ay ku amaanneen xafiiskaas.

Sidoo kale soo dhowaynta ayeey ku wanaagsan yihiin, halka xushmeynta saxaafaddana ay meel wanaagsan ka gaareen sida dadka inta badan ay isku raacsan yihiin; mana ahan hal heyb sida xafiisyada kale.

Waxaa soo haray xafiiska ra’iisul wasaaraha, kaas oo ah xafiiska labaad ee ugu sarreeya dalka, waxaa jooga oo ka shaqeeya dhallinyaro firfircoon, ha yeeshee malahan asluub iyo edeb kula dhaqan dadka martida u ah, waxaa la sheegaa in 75%-kiiba dhallinyarada ka shaqeysa xafiiskaas ay yihiin kuwa ku reer ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, waxaana inta badan ay muujiyaan amar ku taagleyn iyo kelitalisnimo, taas oo sharciga caadiga ah iyo xeerarka dowladda aan xarafka mid ah ku qorneyn, taas se waxaa loo aanneynayaa in ay ku imaadeen qaab qabiil iyo garab, ayna keentay inay aqoontooda intaas ku xeyn dhaabsanaato.