DEG DEG:-Uhurru Kenyatta Oo Ku Guuleystay Doorashadii Dalka Kenya

Guddiga doorashada dalka kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxwayne uhurru Kenyyata uu ku guuleeystay doorashadii ku celiska ahaa ee ka dhacday dalkaas.

Dhowaan ayeey ahayd markii doorasho ay ka dhacday dalkaas, ha yeeshee maxkamadda sare ee dalkaas ayaa laashay natiijadii doorashadii dalkaas ka dhacday kaddib markii la sheegay in lagu shubtay.

Afhayeenka mucaaradka Raila Odinga ayaa ka haray doorashadii ku celiska ahayd, ha yeeeshee Uhuru ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay madaxwaynaha xiga ee dalkaas.

  1. Lama oga waxa ka dhalan kara natiijadan ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen maadaama mucaaradka ay muujinayaan inaysan ku qanacsaneyn waxa socda.