Salaad Cali Jeelle: “Qolkii uu Qoriga iigu jiray ayey iiga hormareen”,Weerarkii Naasahablood 2

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ka warbixiyay weerarkii shalay gelinkii dambe ay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2, oo uu ka mid ahaay  dadka deggan Hotelka.
Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in markii uu Qaraxa dhacayay isaga iyo koox saaxiibadii ah ay Hotelka barxaddiisa shaah ku cabayeen.
“Qaraxa markii aan maqlay waxaan aaday Qolkeyga si aan Qorigeyga u soo baxsado,iyagaase iiga hormaray waana iska soo laabtay”ayuu Yiri Salaad Cali Jeelle.
Waxaa uu sheegay in Markii Qaraxa uu dhacay uu isku dayay in uu Qorigiisa kala soo baxo qolka uu ka degganaa Hotelka si uu isku difaaco hayeeshee Labo ka mid ah xubnihii Al-shabab ee meesha weeraray oo xirnaa Tuutaha Ciidamada dowladda ay uga hormareen dhismaha kaddibna uu iska soo laabtay.
Salaad,waxaa uu sheegay in dhinaca Weerarka uu ka dhacay ee Hotelka laga dumiyay ay markii hore dhigeen Carro badan,hayeeshee sida ay u qorsheeyeen aysan wax u dhicin.
“Dhinacaas Ciid badan ayaan dhignay,lacalla haddii ay ka soo gudbaanna inta aysan wax dilin in la dilo ayaan loogu talagalay laakiin,walax ka weyney ku dhufteen waana soo galeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.