Safiirkii Soomaaliya ee dalka Britain oo iscasilay

C/raxmaan Yuusuf Ceynte oo Bishii May Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Uk ayaa ku dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilay.

Waxaa uu sheegay in Safiirka in xilkaasi uu isaga tagay,islamarkaana uu baneeyay Booskaasi.

Mudane Ceynte ayaa ka mid ahaa saddex Danjire oo uu Madaxweynuhu magacaabay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in sababaha is casilaada Ceynte ay salka ku heyso in aan laga soo aqbalin magacaabidiisa, waxaana hadii la aqbali lahaa waraaqadiisa aqoonsiga ka guddoomi laheyd Boqorada UK.

Danjire Ceynte ayaa ilaa hadda si rasmi ah u shaacin sababta uu isku casilay.