Magaalada Jowhar Oo Maanta Marti Gelinaysa Wufuud Caalami Ah Iyo Caleema Saarka Waare Oo Saacadaha Soo Aaddan Dhici Doona

Waxaa maanta laga dareemayaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle qaban qaabada munaasabadda caleema saarka madaxwaynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare, kaas oo horaan ay si aqlabiyad leh u doorteen guddoonka baarlamaanka maamulkaas.

Saacadaha soo aaddan ayaa la filayaa in ay halkaas ka dhacdo munaasabaddaas oo ay kasoo qayb galayaan siyaasiyiin, aqoonyahanno, odayaal, iyo wufuud kasocota beesha caalamka oo korjoogto ka noqoneysa sida ay u dhaceyso munaasabaddaaas.

Ammaanka magaalada ayaa la adkeeyay, sidoo kale waxaa waddooyin soo gala magaalada la dhigay ciidan aad u hubeysan kuwaas oo baaraya dadka iyo gaadiidka dhammaan kusoo wajahan magaalada.

 Sidoo kale waddooyinka waa wayn ee magaaladaas ayaa xiran sida warar aynu helayno ay sheegayaan, waxaana loo xiray caleema saarkaas awgeed.

Si kastaba ha ahaatee madaxwayne  Waare ayaa madaxweynaha Maamulka Hirshabelle loo doortay Biishii aynu soo dhaafnay ee September, kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi ay kalsoonida kala noqodeen Cali Cabdullaahi Cosoble