Ma Dhabbaa In Dowladda Soomaaliya Ay Xayiraad Saartay Gargaar Loogu Talagalay Dadkii Ku Waxyeeloobay Dhacdadii Zoobbe? (Sir Culus)

Guddoomiyaha guddiga gadiidka baarlamaanka SOomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in daawooyin iyo gar gaar kale oo beesha caalamka ay ugu deeqday dadkii Soomaalida ahaa ee ku waxyeeloobay dhacdadii Zoobbe ay weli ku xayiran yihiin qaybo kamid ah garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale Dalxa ayaa carabka ku adkeeyay in Dekadda Muqdisho laftigeeda ay xiyiraad badan ka jirto, ha yeeshee waxa uu sheegay in loo baahan yahay sida ugu dhaqsiyaha badan in loo kala furdaammiyo waxyaabahaas isku xayiran.

Waxa uu arrintaan u sababeeyay in ay jirto in lagu xujeeyay in ay bixiyaan lacago farabadan oo Canshuur ah taas oo keentay in Garoonka iyo Dekadda ay Dawadaasi soo dhaafi weyso.

Ra’iisul wasaare Kheyrre iyo golihiisa wasiirrada ayuu ka codsaday in ay waxka qabtaan culeeskaas lagu saaray gargaarkaas iyo mucaawinnada hey’adaha caalamiga ah ay soo gaarsiiyeen dalka Soomaaliya oo weli ku xayiran Airportka iyo Dekadda Muqdisho.