Waa Maxay Waxyaabaha Ay Ku Mashquulsan Yihiin Warbaahinta Afka Shabaab Ku Hadasha?

Tan iyo Sabtidii hore oo ku beegneyd markii uu dhacay qarixii musiibada ahaa ee Zoobbe, warbaahinta afka Alshabaab ku hadasha ama taabacsan waxa ay ahaayeen kuwa la heysta mawjado aan murugi soo dhex galeyn taas oo ah in aan la isku mashquulin gumaadka ummadda Muslimiinta ah.

Idaacadaha Andalus iyo Alfurqaan, lagu daray Websiteyada taabacsan sida Calamada, Amiir Nuur, Somalimemo iyo kuwa lamidka ahaa ayaa dhammaan tebinayay weerarrada argigixisada ay ka fulinayaan waddamada Ciraaq, Maali, Afganistan,Syria iyo meelo kale oo caalamka kamid ah.

Dhammaan bogga hore ee website yada aan soo sheegnay kuma jiraan warar Soomaali ah, haddii ay kujiraanna waxaa ay yihiin kuwa aan quseyn qaraxa, taas oo muujineysa in Alshabaab wixii ay iyaga dhigeen in ay ka dhuunteen uun.

Si kastaba ha ahaatee dhacdadii Zoobbe waxa ay ahayd mid kamid ah kuwii ugu fool xummada badnaa ee ay abid sameeyaan kooxda Khawaarijta Alshabaab.