Sawirro:- Beesha Shiikhaal Oo Taageertay Xisbiga Kulmiye

 

Beesha Sheekhaal oo taageertay xisbiga Kulmiye, Hargeysa (Warbaahinta Kulmiye):

Xisbiga KULMIYE ayaa xaflad balaadhan oo ka dhacday Hargeysa kusoo dhoweeyey taagero balaadhan iyo cudud ay muujiyeen beesha Sheekhaal.

Waxaa kasoo qayb galay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi , Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Md.Axmed Cabdi Dheere , Xubno ka mida golaha wasiirada, Md.Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Wasiru Dawlihii Hore ee duulista iyo hawada Soomaliland Axmed Nuur Faahiye, Siyaasi Cali Axmed Yuusuf”Cali Guray”, Haween dhalinyar iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Xubno ka mida taagerayaasha beesha SHEEKHAAL oo halkaasi ka hadlay ayaa iyagoo isku duuban cod dheer ku sheegay inay cod iyo cududba la garab taaganyihiin xisbiga kulmiye iyo Murashaxiintiisa codkoodana ugu hiilin doonaan maalinta doorashada ee 13 Novenber.

Guddoomiyaha xisbiga kulmiye ahna murashaxa xisbigaas Md.Muuse Biixi Cabdi oo soo gunaanaday Xafladda ayaa u mahad naqay taageradaa baaxada leh ee ay u muujiyeen Beesha SHEEKHAAL, kuna guubaabiyay sidaa ay iskugu duubanyihin maalinta codkana inay iskugu duubnaadaan isagana ay codka siiyaan.

Fiirso sawirrada

Fb Img 1508572183341
Fb Img 1508572183341
Fb Img 1508572169181
Fb Img 1508572169181
Fb Img 1508572190454
Fb Img 1508572190454
Fb Img 1508572200916
Fb Img 1508572200916
Fb Img 1508572176303
Fb Img 1508572176303

Fb Img 1508572200916

XIGASHO:-RTN TV