Muqdisho Oo Maanta Laga Dareemayo Dhaqdhaqaaq Aan Horey Loogu Arkin

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaqa ku aaddan banaan bax la sheegay in uu magaalada ka dhici doono maanta kaas oo lagu muujinayo in laga xun yahay qarixii Zoobbe.

Inkabadan 250 qofood ayaa naftooda ku waysay dhacdadii Zoobbe, taas oo keentay xitaa in caalamka oo idil ay la midoobaan.

Si kastaba ha ahaatee dhallinyaro 17 ka degmo ka kala imaanaya ayaa la filayaa in ay ku dibad baxaan garoonka caanka ah ee Koonis halkaas oo uu guddoomiyaha gobolka Benaadir uu iclaamiyay in maanta lagu kulmi doono.

Si kasta  ha ahaatee waad la socon doontaan haddii uu rabbi qaddaro wax walba oo kusaabsan dibad baxaas.