Aadan Barre Ducaale oo markii 3aad ku guuleestay kursiga Xildhibaan deegaaneedka Gaarisa.

Siyaasiga Aadan Barre Ducaale ayaa mar kale ku guuleestay Xildhibaan deegaaneedka Gaarisa doorashadii ka dhacday Kenya kadib tartan adag uu la galay Murashaxa Kale Faarax Macalin.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah, iyadoo Aadan Barre Ducaale uu helay codod dhan 22,587, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Faarax Macalin uu helay codod dhan 14,897.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo la hadlay warbaahinta, markii natiijada lagu dhawaaqay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in markii 3aad ee loo doortay kursiga, waxaa uu balan qaaday inuu dadkiisa si cadaalad iyo sinnaan ugu adeegi doono.

Faarah Macalin oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya ayaa ku sugneyn goobtii loogu dhawaaqayay natiijada kama dambeysta ee doorashada deegaanka Gaarisa, walina wax war ah kama soo yeerin natiijada la shaaciyay inuu ku qancay iyo in kale.