Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Ansixiyay Sharciga Isgaarsiinta Dalka

Kulan ay Maanta yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu Ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Dalka oo Wasiirka Isgaarsiinta Xukumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan uu hor geeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka Maanta waxaa soo Xaadiray 159 Mudane,waxaana 158 kamida ay u Codeeyeen inuu Ansax yahay Xeerka Isgaarsiinta Dalka,halka Hal Xildhibaan uu diiday.

Kulanka Maanta waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey.