War deg deg ah: Taliye Ku xigeenkii Booliska Boosaaso oo Goordhaweyd La Dilay

Kooxo Hubeysan ayaa goordhaweyd gudaha Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari waxa ay ku dileen Taliye Ku xigeenkii saldhiga bartamaha Magaaladaas Cabdi Dheere.

Dabley ku hubeysneed bastoolad ayaa la sheegay in ay toogteen taliye ku xigeenka waxaana lagu dilay agagaarka Saldhigga dhexe ee Booliska Magaalada Boosaaso.

Kooxaha hubeysan ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada amaanka maamulka Puntland.

Dilkaan ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkaan magaaladas lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khadar Ismaaciil.