War Deg Deg Ah: Gaari Lasoo Saaray Waxyaabaha Qarxa oo Muqdisho Lagu Qabtay

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa  goordhaweyd ku guuleystay in  ay gacanta ku dhigaan gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamada ayaa gaariga ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa waxa ay ku qabteen Xaafada haanta dheer ee Degmada Dayniile, waxaana Ciidamada kusoo wargaliyay dadka shacabka ah ee xaafadaas ku nool.

Gaarigaan  oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in noociisa uu yahay  Kaarib, waxaana laga soo saaray markii dambe qaraxyada nooca gaadiidka lagu dhajiyo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil dhanka amaanka ah.

Dhanka kale ma jirto cid lagu qabtay gaarigaan, madaama  uu yaalay goob cidlo ah Xaafada haanta dheer ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.