Magaalada Nairobi Oo Laga Wada Qaxayo Iyo Sabab Qariib Ah Oo Middaas Keentay!

Kummanaan qofood ayaa isku diyaarinaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya in ay ka qaxaan ama ay ka cararaan, maalmaha doorashada ay dalkaas ka jirto, qaar kamid ah dadkaas ayaaba xilli hore agabkooda sii qaatay, oo goobaha dibadda ka ah magaalada iska xaadiriyay, si ay warbaahinta maxalliga ah sheegayaan.

Dadka doonaya in ay ka baxaan magaaladaas, waa kuwa ka baqaya natiijada doorashada in ay dhaliso dhibaato iyo dagaal rabshado wata oo u dhaxeeya qawmiyadaha wada daga Kenya ee xisbiyadoodu ku loolamayaan doorashada.

2007, ayeey ahayd markii ay magaalada ka qaxeen dad aad u badan, kaddib natiijadii ka dhallatay doorashadii xilligaas dalka ka dhacday.

Si kastaba ha ahaatee dalka Kenya maanta oo Talaado ah waxa ay dadka u dureerreyn goobaha cod bixinta, iyagoo dooranaya 8-murashax  oo xilkaas u loolamaya.