AKHRISO:- Dad Badan Oo Ku Waxyeeloobay Goobaha Doorashada Dalka Kenya (Haddaba Waa Maxay Sababta?)

Ka Hor natiijada codeynta doorashada dalka Kenya, aroortii hore ee subaxnimada Talaadada, waxaa isbitaallada waa wayn ee dalkaas la dhigay dad siyaabo kala duwan ugu soo dhaawacmay is riix riix ka dhashay goobaha cod bixinta.

Ugu Yaraan dhawr qofood ayaa isbitaalka Nairobi la dhigay, kuwaas oo kusoo dhaawacmay agagaarka Iskuulka caanka ah ee Moi Avenue, ee ku yaalla  Starehe Nairobi.

Ku dhawaad 14,021-qofood oo iska dhiiwaan geliyay goobtaas ayaa codeyntooda iyo u kala hormaridda bilaabay xilli hore oo Suxibii Talaadada ahayd ah, maadaama culeys iyo weeraro laga baqayo, qof walba wuxuu doonayaa in uu xilli hore codeeyo si uu dib ugu soo noqdo gurigiisa inta magaalada oo idil aysan is qabsan.

Si kastaba ha ahaate 80%-kiiba dadka Kenyan-ka ayaa maanta u dureerray doorashooyinka dalkaas, wixii warar ah oo ku saabsan doorashadaasna Halkan Shaaciye Ah ayaad kala socon doontaa Inshaallah.