Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xal Ay Ku Farxaan Bajaaj-Layaasha Keenay Iyo Labadii Ciidan Ee Is-Rasaaseeyay Oo Amarka Guddoomiyaha Lagu Kala Qaaday

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ayaa soo fara geliyay arrinta waddooyinka xiran ee Bajaajta loo diiday.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la hadlay AMISOM iyo ciidankii kale ee ku diriray Km4, wuxuuna ugu baaqay in ay xabbadda joojiyaan, dhallinyarada Bajaajlayaasha ahna ay hawshooda iska wataan.

Is rasaaseyn daqiiqo socotay ayaa ka dhacday isgooyska Namber Afar ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay isku qabteen ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya oo u hiilinayay dhallinyarada Bajaaj-layaasha ah ee waddooyinka laga soo xiray.

Si kastaba ah ahaatee, Guddoomiye Thaabit Cabdi ayaa kala qaaday labada ciidan ee isku qabtay Namber Afar, sidoo kalena ugu baaqay dhammaan cid walba oo ay quseyso arrimaha xiritaanka waddooyinka in ay u fasaxaan dhallinyarada Bajaaj-layaasha ah ee maanta daroonkooda gadoodka ah ku muujiyay isgoysyada waa wayn ee magaalada Muqdisho.