FIIRSO Guddoomiye Thaabit Cabdi Oo Si Qiiro Leh Makaroofanka Kula Hadlay Dhallinyaradii Bajaaj-layaasha Ee Waddada Laga Xirtay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa cod baahiyayaasha kula hadlay dhallinyaro careysan oo ahaa wadayaasha mootooyinka Bajaaj-ta loo yaqaano oo maanta oo idil ay u xirneyd waddada Makka Al-Mukarrama.

Guddoomiyaha ayaa u sheegay dhallinyarada in ay is dajiyaan, ayna joojiyaan rabshadda ay wadaan, islamarkaana ay ka tanaasulaan go’aankooda ah in maanta oo idil ay tuuryo wadaan.

Dhawaan ayeey ahayd markii ay isku dhaceen dhallinyarada careysan iyo ciidanka AMISOM, balse guddoomiye Thaabit ayaa u ballanqaaday, in uu xal deg deg ah ka keeni doono arrinta xiritaanka waddooyinka ay ku shaqeystaan dhallinyarada Bajaaj-layaasha ah.

Haddaba hoos ka daawo Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed oo oo Makaroofanka kula hadlaya dhallinyaradii careysneyd.

F.G. Kannaalka aan kasoo qaadanay Muuqaalkan nama quseeyo wixii uu cinwaan ka dhigtay oo isaga ayeey gaar u tahay, keliya muuqaalka ayaan kasoo qaadanay, ee sidaas ula soco