Fiirso Sawirro: Weerar Lagu Qaaday Masjid ay Soomaali Maamusho Maraykanka

Rag Hubeysan ayaa Bam  ku weeraray Masjidka Darul Faruq oo ku yaalla magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota.

Qaraxa ka dib ayaa ciidamo faro badan oo boolis ah waxay gaareen masjidka saakay Bamka lagu weeraray, iyagoo halkaas ka wada baaritaano.

Waxaa Bamkan lala eegtay xafiiska ama xarunta Sheekh Waliid oo ah Imaamka masjidka, hase ahaatee lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa.

Booliska Magaaladda ayaa wali baaritaano wada, lamana oga cida sida rasmiga ah ugu dambeysay falkaan.

Weerarada salka ku haya islaam naceybka ayaa ku sii kordhayey dalka maraykanka tan iyo markii xilka Madaxweynaha dalkaas loo doortay Donald Trump.