Maxaa Ku Dhacay Qadka Internet-ka Ee Shirkadda Somtel?

Qaar kamid ah macaamiisha shirkadda caanka ah ee Somtel ee ku nool koonfurta SOomaaliya ayaa maanta dareemaya qad la’aan iyo cilad ka heysata dhanka Internet-ka.

Dad qaar ayaa qaba in uu saameyn ku yeeshay System-kii shirkadda oo yaalay agagaarka goobtii uu xalay ka dhacay qaraxii waddada Makka Al-Mukarramah, ee magaalada Muqdisho.

Shirkadda Somtel ayaa xarun wayn ku leh kasoo horjeedka Hotel Ambasaddor iyo Istibaalka caanka ah ee Daaru Shifa, waxaana halkaas yaalay sida ay Shaaciye u xaqiijiyeen qaar kamid ah hawl wadeenna shirkaddaas, qaar kamid ah System-yadii Internet-ka ee shirkaddaas.

Lama Hubo in warkaas uu sax yahay, haddana, waxaa jira sababa caddeyn u ah in uu weerarkaas uu waxyeelay System-ka shirkaddaas, ee dhanka Internet-ka.