WAR DEG DEG AH: Dil goor dhow ka dhacay Magalaada Muqdisho

Nin la sheegey  in uu watay gaari ayaa lagu dilay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, kadib markii dableey Hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ay risaas ooda kaga qaadeyn ninkaasi.

Gaariga uu watay ninka la dilay ayaa waxaa lagu furay risaas fara badan taasi oo la sheegay in uu ku dhintay sida uu inoo xaqiijiyey  Goob jooge ku sugnaa halka ay wax ka dhaceyn, waxaana durbadiiba halkaa soo garay Ciidamo ka  tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaa ka sameeyey Howlgal lagu baadi goobayo dableyda dilka geesatay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay Dilka ninkaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababta loo dilay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa sarkaal ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.