Madaxweyne Farmaajo oo Tarsan u magacaabay la taliye dhinaca Arrimaha Siyaasadda

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u magacaabay Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) in uu noqdo la taliye sare ee xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda.

Degreeto ka soo baxday maanta xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Max’ed Axmed Nuur Tarsan in uu noqdo lataliye sare ee dhanka siyaasadad ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Tarsan oo horey u soo noqday  Guddoomiyihii gobalka Banaadir ayaa kamid ahaa musharixiintii u tartamaysay xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadii madaxtinimo ee horaantii sanadkan ka dhacday dalka.

Tarsan oo horey u diiday  Wasiir ku xigeen laga dhigay  ayaan la ogeyn in xilka loo magacaabay uu ku qanci doono iyo in kale.