Waa Kuwee 7-da Magaalo Ee Kenya Ku Taallo Oo Ay Alshabaab Doonayaan In Ay Weerarraan

Sirdoonka qaranka dalka Kenya ayaa aad uga digay dadwaynaha iyo ciidanka ku dhaqan todoba magaalo oo kamid ah magaalooyinka ugu waa wayn waddankaas in ay ka dhacaan weeraro argiggixisanimo.

Magaalooyinka laga digaya ayaa u badan kuwa xuduudda Soomaaliya iyo Kenya u dhaw, halkaas oo ay dhawr jeer oo horay uga dhaceen weerarro ay soo qaadeen Alshabaab.

Urur Diimeedka Alshabaab ayaa dhawaan u digay dadka Kenya in ay ka qayb qaataan doorashada dhawaan la filayo in ay dalkaas ka dhacdo, iyagoo sheegay in ay ka fulin doonaan weeraro adag.

Magaalooyinka Mandhera, Wajer, Garisa, Lamu, Tana River,Kilifi Iyo Mombasa ayaa ah magaalooyinka digniinta dawladda ay soo gaartay, maadaama ay u nugul yihiin soo galidda Alshabaab.

Dhawaan waxaa la filayaa in ay ka qabsoonto Kenya doorashadii qaranka, taas oo dalka oo idil ka dhacaysa.