Al-shabaab oo Xalay Weeraray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan,waxaana Dagaalku uu qaatay Mudo Saacado ah.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Shabaabkii wax soo Weeraray ay jabiyeen islamarkaana ay ka dileen 8 Dagaalame sida ay hadalka u dhigeen.

Shabaab dhankooda weli wax War ah oo ku aadan Dagaalka ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo kama soo bixin.

Ma jirto illo Madax Banaan oo Xaqiijin kara sheegashada Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku aadan in Dagaalka ay ku dileen ku dhawaad 10 Dagaalame.