Faahfaahino Dheeri Ah Oo Ku Saabsan Weerarkii Posh Treats & Pizza House

waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan weerarkii xalay lagu qaaday Hotel ka Posh Treats ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan wararka xalay oo idil lagama seexan magaalada Muqdisho oo waxaa la maqlayay daryanka madaafiicda iyo rasaasta ka dhacaysa gudaha Hotelkaas.

markii hore Alshabaab ayaa sheegtay in ay weerareen Hotel Posh, halka gadaal la ogaaday in weerarka uu ahaa mid garbo siman ah, oo Pizza House na qayb ay ka tahay.

khasaaraha ayaa kor u dhaafaya 25 qofood oo dhimasha ah, halka dhawaaca tiro ahaan ka badan yahay intaas, qolyaha caafimaadka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in tobaneeyo qofood oo Mayd ah indhahooda ku arkeen, waxaana xusid mudan in ay kujireen saddex gabadh oo isku madax muuqda, kuwaas oo hal goob ku geeriyooday.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idin kala sooo socodsiin doonaa haddii uu rabbi qaddaro Insha-allaah.